Bariba waxa jiri jiray diin iyo dacawo kuwada noolaa kayn.
Dawcada waa khayaamo badnayd diinkuna daacad buu ahaa,.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa dawadiidiinkii ku tidhi diinaw maanta ma baratanaa.
Diinki oo og inuu gaabiyo lakin dadaal badan ayaa yidhi "hayye".
Wxanu u raaciyaya waad khayaamo badantehee ayaa inoo makhraati noqonaayo dayooy?
Waxay ku tidhi waxa inoo markhaati noqon doona daban gaale.
Hayabuu yidhi kadibna waxay istaageen meel siman.
Kadib daba gaalihii ayaa yidhi yaaca. Diinkii markiiba sidii sii yarayd ayuu iskaga orday. Dawcadii intay horbooday ayay ku tidhi diinaw doqon baa tahe ilama baratami kartid maad iska joogtid.
Isaga orod kiisii ayuu iska sii watay mana la sheekaysan.
Dacawadi intii ay oroday ayay meshii lagu barataayay usii dhawaatay iska sii jiif satay.
Diinkii waxa uu soo gurguurtaba waxa uu soo gaadhay dacawdii oo ag jiifta meeshii loo baratamaayay kadibna inta uu ayar dhaafay ayuu gaadhay meeshii xariiqa ayad ka dib dawacadi waxay aragtay diinki oo damaashaadaya iyo daban galihii oo le na dayooy lagaa badi lagaa badi.
Dawacadii intay yaabtay ayay tidhi anaa is dhigtay.
Dulucda sheekada waliga ha is dhihin m guulaysn kartid hana dhayal san nolosha oo sida dacadaa ha is dhigan.
Tags:
Cartoon af-somali